Gudoomiye kuxigeenada iyo xoghayaha gobolka Banaadir oo xilalkii la wareegay.

Nov. 26 (Jowhar.com) -Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay Guddoomiye ku-Xigeennada Cusub iyo Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, kadib munaasabad ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Xubnaha xilalkan la wareegay waxaa 20-kii bishaan November 2022-ka soo magacaabay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xilalka u kala wareejiyay Guddoomiye ku-Xigeennada Cusub iyo Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, isagoo amaan u jeediyay mas’uuliyiintii hore, wuxuuna kuwa cusub kula dardaarmay iney si hufan shaqadooda u gutaan.

“Mas’uuliyiinta xilka la wareegay ayaan kula dardaarmay in si xilkasnima leh oo daacadi ay ku jirto loogu adeego bulshada Caasimadda, waxaan sidoo kale madaxdii kale ee xilka wareejisay ku amaanay howlihii wanaagsanaa oo ay kasoo qabteen maamulka Gobolka Banaadir” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir ee xilka wareejiyay ayaa muddo ka badan labo sanno kuraastan ku fadhiyay, waxayna intooda badan u badnaayeen kuwa siyaasad ahaan aad u taageersanaa madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Gudoomiye kuxigeenada iyo xoghayaha gobolka Banaadir oo xilalkii la wareegay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More