Gudoomiyihii degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo qarax lagu dilay

Oct. 19 (Jowhar.com) -Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gudoomiyihii hore ee degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof dabaashe iyo duqii magaalada Jalalaqsi Aadan Maxamed Ciise lagu dilay qarax loo adeegsaday gaari NOAH ah oo lagula eegtay xarunta maamulka degmadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in qaraxa ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay qaar kamid ah ilaalada gudoomiyaha, waxaana socda gurmadka dadka waxyeelada ay soo gaartay oo loola cararay xarumaha caafimaadka.

Wararka ku geedaaman nooca qaraxa ayaa aad u kooban, maadaama isgaarsiinta degmada Jalalaqsi ay tahay mid ciriiri ah, iyadoo weerarkan uu kusoo beegmay xili shalay duleedka degmadaasi lagu dilay Inkabadan 10 Shabaab ah.

Marxuum Maxamed Nuur Cagajoof dabaashe ayaa kamid ahaa hormuudka dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan, wuxuuna noqonayaa mid kamid ah mas’uuliyiintii ugu sareysay gobolkaasi oo ay Shabaab dilaan mudada uu dagaalka ka socdo halkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More