Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo xil ka qaadis lagu sameeyay

Jun. 18 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, isagoo xilkaasi u magacaabay C/llaahi Axmed Maalin Sufuroow.

Digreeto kasoo baxday madaxtooyada Hirshabelle waxaa lagu sheegay in xil ka qaadistan ay timid kadib markii madaxweyne Guudlaawe uu fuliyay talo soo jeedinta kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed oo Jeyte ay reer hoose ay yihiin.

Mr. Sufuroow waxaa la faray inuu deg deg ula wareego xafiiska, isla mar ahaantaasina uu dar dar galiyo shaqada xafiiskiisa.

Mudooyinkan waxaa jiray khilaafyo soo jeetimayay oo Jeyte kala dhexeeyay maamulka Hirshabelle iyo madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna saluug ka muujinayay arrimo ay usoo jeediyeen.

Hirshabelle waxey isku qabteen inuu wasaarada Mwlaaliyada ku wareejiyo canshuurta laga aruuriyo gobolka oo uu iska diiday, halka madaxtooyada ay isku qabteen nidaamka dowladda u maamuleyso wajiga labaad ee dagaalka Shabaab.

Dad badan ayaa rumeysan inuu Cali Jeyte astaan u ahaa la dagaalanka Shabaab, wuxuuna hormuud u ahaa wajigii koowaad ee dagaalka kooxdaasi oo dhul balaaran oo Hiiraan ah looga saaray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More