Hay’adda Life for Relief And Development oo gargaar u qeybisay qoysas ku nool Muqdisho

Mar. 22 (Jowhar.com)-Hay’adda Life for Relief And Development oo ka howlgasha Soomaaliya ayaa gurmad raashin ah waxa ay gaarsiisay qaar kamid ah qoysaska danta yar ee kusoo barakacay duleedka magaalada Muqdisho.

Dadka barakacayaasha ah ee gargaarka la gaarsiiyay ayaa ku nool deegaanada Garasbaaleey iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo dhaca wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Hay’addan Life for Relief And Development ayaa qoysaskan oo gaaraya 200 gaarsiisay gargaar ka kooban Bur, Bariis,Sokor,Timir
Iyo saliid, waxeyna ugu talagaleen in qoysaskan ay isticmaalaan inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo beri bilaabanneyso.

Qoysaska ka faa’ideystay gargaarkan ayaa uga mahad celiyay hay’ada garab-istaaga ay u sameysay, waxeyna sheegeen in gurmadkan lasoo gaarsiiyay waqtigii ay ugu baahida badnaayeen.

Si kastaba, mas’uuliyiintii ka socotay Hay’adda Life for Relief And Development ayaa dhankooda balanqaaday iney sii joogteyn doonaan caawinta dadka danta yar ee u baahan caawimaada.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More