Hirshabelle oo shaacisay qabashada doorashada 4 kursi

Mar 25 (Jowhar.com)-Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle ayaa shaaciyay qabashada doorashada afar kursi oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baladweyne.
Doorashada kuraastan ayaa la sheegay inay dhici doonto 27ka bishan oo ku beegan maalinta Axada ah ee soo socota.

HOP#058 Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Nur Idow Beyle
HOP#019 Waxaa ku fadhidey Farxiyo Muumin Cali
HOP#059 Waxaa ku fadhidey Samiiro Xasan Cabdi
HOP#039 Waxaa hore ugu fadhidey Maryan Axmed Haaruun

Hase yeeshee kuraastan ayaan waxaan ku jirin kursigii ay afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhidey Aamino Maxamed Cabdi oo lagu diley dhawaan magaalada Beledweyne.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More