Hirshabelle oo shaacisay qabashada doorashada Kursiga HOP009

April 20 (Jowhar.com) – Guddiga Hirgalinta Doorashada Hirshabeelle SEIT ayaa shaaciyay qabashada kursi ka mid ah kuraasta Deegaan doorashada tahay caasimadda Hirshabelle ee Jowhar.

Kursigan oo uu hore ugu fadhiyay Sheekh Cabdisitaar Sheekh Cabdisalaan Xaaji Xasan Barsane ayaa waxaa uu guddigu sheegay in doorashadiisu ay dhici doonto 23ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Hase yeeshee waxaa weli ku dhiman Hirshabelle labo kursi oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar iyo labo kursi oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Beledweyne.

Labada kursi ee ku dhiman magaalada Beledweyne ayaa ah kursigii ay hore ugu fadhiday Aamino Maxamed Cabdi iyo kursiga kale ee ay guddiga FEIT dib ugu celiyeen in markale la qabto doorashadiisa kaasoo ay maantana Maxkamada Sare sheegtay inaysan dacwadiisa qaadi karin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More