Hoggaamiyaal Afrikaan ah oo bilaabay dhexdhexaadinta wadamada Ruushka iyo Ukraine

June. 16 (Jowhar.com)-Toddobo hoggaamiye oo Afrikaan ah ayaa u safray Ukraine iyo Ruushka hawlo nabadeed, iyagoo rajeynaya inay wadahadal ku soo afjaraan dagaalka, si xun u saameeyay heerka nolosha ee qaaradda.

Wafdigan ayaa waxa ay ka socdaan wadamada Koonfur Afrika, Masar, Senegal, Kongo-Brazzaville, Comoros, Zambia, iyo Uganda waxana ay la kulmayaan Madaxweyne Zelensky iyo Madaxweyne Vladimir Putin. Laakiin wakhtiga booqashadu waxa ay ku soo beegantay xilli Kyiv ay qaadayso weeraro rogaal celis ah.

Qorshayaasha ay doonayaan madaxda wadamada Afrikaka socda ayaa waxaa kamid ah suurtagalnimada isdhaafsiga maxaabiista Ruushka iyo Yukreeniyaan ee dagaalka.Midda kale waa in la isku dayo oo xal loo helo arrimaha khuseeya Afrika, sida badarka iyo bacriminta.

Dagaalku waxa uu si ba’an u xaddiday dhoofinta haruurkii laga keeni jiray Ukraine iyo bacriminta laga keeno Ruushka, taas oo sii xoojisay cunto yarida caalamka. Afrika oo ku tiirsan badeecadaha laga soo dhoofiyo labadaba, ayaa dhibaatada ugu badan soo gaartay.

Madaxda ka socota wadamada Afrika ayaa isku dayi doona inay Ruushka ku qanciyaan inay kordhiyaan heshiiska jilicsan ee u ogolaanaya Ukraine inay badarka marsiiyaan badda madow.

Waxayna ku boorin doontaa Kyiv inay gacan ka geysato sidii loo heli lahaa habab lagu fududeeyo xannibaadaha dhoofinta bacriminta Ruushka ee hadda lagu hayo dekedaha.

Wafdigan ayaa waxaa ku jira afar madaxweyne, Ra’iisul wasaaraha Masar, iyo wakiilo ka socda Uganda iyo Congo-Brazzaville.
Koonfur Afrika iyo Uganda ayaa loo arkaa inay u janjeeraan dhanka Ruushka, halka Zambia iyo Comoros ay uga dhow yihiin Galbeedka. Masar, Senegal iyo Congo-Brazzaville ayaa si weyn dhexdhexaad uga ahaa.

Xukuumadda Mr Ramaphosa ayaa cadaadis isa soo taraysa kala kulantay Maraykanka, sababtoo ah waxay sheegtay inay taageerto dagaalka Ruushka. Tani waxay ku salaysan tahay sheegashada shixnad hub ah oo loo diray Moscow, taas oo Koonfur Afrika ay beenisay.
Inkasta oo Ruushka iyo Ukraine midkoodna aanu wax dan ah ka muujin wada-hadallada nabadeed, haddana labaduba waxay danaynayaan booqashadan.

Moscow waxa ay saamayn ku yeelanaysay Afrika iyada oo miisaan ka soo horjeeda reer galbeedka waxana ay rajaynaysaa in ay ku soo bandhigto shirka Ruushka iyo Afrika ee St Petersburg bisha soo socota.

Ukraine waxa ay isku dayday in ay diblumaasiyadda Afrika si toos ah ula soo wareegto. Waxay dhawaan u dirtay wasiirkeeda arrimaha dibadda qaaradda Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More