Duqeyn Cirka oo lagu beegsaday Amiiro ka tirsan Alshabaab gobolka Jubbada Hoose

June. 16 (Jowhar.com)-War goor dhow lagu faafiyay warbaahinta dowlada federalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka wada qeybqaateen ciidamada dowlada iyo kuwa saaxbibada caalamiga laga fuliyey deegaan ku dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

“Caawa Abaarihii 6:15 Maqribnimo ayaa Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox Khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.”ayaa lagu yiri war lagu daabacay warbaahinta dowlada.

Warka ayaa intaa ku daraya in gantaalo lagu garaacay goob ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan Alshabaab. Hase yeeshee majiro  warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada dowlada.

“Howlgalka oo ah duqeyn ayaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday Horjoogeyaal Khawaarijta ka tirsan waxaana halkaas ku gaaray Khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.”

Duqeyntan ayaan illaa iyo hadda aysan ka hadlin ciidamada Maraykanka hase yeeshee waxa ay ku soo beegantay maalin kadib markii uu magaalada Kismaayo uu booqday Sarkaalka ugu sareeya Ciidanka Badda Mareykanka Gen. Michael Langley ee qaarada Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More