Imaaraatka Carabta oo wado qorshe ka dhan ah dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh

Apr. 25 (Jowhar.com)-Imaaraatka Carabta ayaa wado dadaalo uu ku bixinayo sidii dib la isugu soo celin lahaa xiriirkii xumaaday ee madaxweynaha maamulka Jubaland iyo ra’iisul wasaaraha dalka itoobiya Abiye Axmed, xiriirkan ayaa ahaa mid hooseeya mudadii ay jirtay dowladii Farmaajo.

Arrintan waxey qeyb ka eheyd heshiiskii uu Axmed Madoobe ugu ogolaaday Imaaraatka Carabta iney ciidamo geysteen Kismaayo oo ay saldhig ka sameysteen, iyadoo dhawaan tobaneeyo gaadiid dagaal ah ay Imaaraatku ka dagsadeen dekeda Kismaayo.

Sida macluumaadka la helayo ay tilmaamayaan, Axmed Madoobe oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa isu diyaarinaya safar maalmaha soo socdo uu ku tagayo magaalada Adis-Ababa ee caasimadda dalka aan Badda leheyn ee Itoobiya.

Kahor safarkiisa, Axmed Madoobe ayaa marka hore kulan la qadaanaya madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, wuxuuna kulankan daaran yahay sii wadista cilaaqaadkii xooganaa ee maamulkiisa iyo Kenya iyo inuu warbixin ka siiyo qorshaha dagaal ee maamulkiisa si iskiis u doonayo inuu ugu qaado Shabaab.

Macluumaadka la helayo ayaa tilmaamaya in Axmed Madoobe uu doonayo inuu adkeeyo cilaaqaadka Itoobiya si uu ugu diyaar garoobo dagaal siyaasadeed oo dheer ee u damacsanyahay inuu la galo Madaxwayne Xassan Sh Maxamuud.

Xukuumada Muqdisho ooiyaduna ilgaara ku heyso dhaq-dhaqaaqyadan ayaa damacsan iney hoos u dhigto miisaanka siyaasadeed ee madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More