Xabad joojin looga dhawaaqay dalka Sudan, xili barkaaca dadka uu kordhay

Apr. 25 (Jowhar.com)Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dhinacyada isku haya Sudan ay ku heshiiyeen xabbad joojin 72 saacadood ah laga bilaabo saqdii dhexe ee xalay.

Waa ugu yaraan xabbad-joojintii saddexaad ee lagu dhawaaqo tan iyo markii ay dagaallada sokeeye ka qarxeen bishan balse midna ma aysan dhaqan gelin.

Mr Blinken ayaa sheegay in heshiis ay wada gaareen ciidamada milllitariga ah iyo ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF ka dib wadahadallo socday 48 saacadood.

Ugu yaraan 400 oo qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku qarxay 15-kii bishan April.

Labada dhinac ayaa si madax banaan ugu dhawaaqay inay ku lug leeyihiin xabbad-joojinta.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa isna ka digay rabshadaha ka socda Sudan in ay sababi karaan iskudhac masiibo ah kaas oo harayn kara gobolka oo dhan iyo meelo kale.

Tan iyo markii ay rabshaduhu billowdeen, dadka ku nool caasimadda uu dagaalku ka qarxay ee Khartoum ayaa loo sheegay inay guryaha ku jiraan, iyadoo ay gabaabsi ka noqdeen saadka cunnada iyo biyaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More