Indha-Cade ” Farmaajo ma aha madaxweyne Soomaaliyeed waa qabyaaladiste”

April 06 (Jowhar.com)- General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cade) ayaa ka hadlay dib u dhaca hareeyay arrimaha doorashada iyo abaabul ciidan oo uu sheegay inuu ka socdo magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Indha Cade oo kamid ah saraakiisha ciidanka Badbaado Qaran ayaa sheegay in dhameystirka doorashada ay u xayiran tahay oo kaliya kuraasta taala magaalada Garbahaareey, isagoo madaxweyne Farmaajo ku tilmaamat shaqsi qabyaaladdu ay ku weyn tahay, sida uu hadalka u yiri.

“Farmaajo hadii uu madaxweyne Qaran yahay 16-ka kursi ee Gedo kuma dhageen, ma aha madaxweyne Soomaaliyeed waa qabyaaladiste. Kama baqeyno oo runta ka xishoon meyno, saddex sano ayaa la taliye u ahaa waxa uu yahay oo uu ka shaqeeyo ayaa ognahay.” ayuu yiri.

Waxa uu dhinaca kale ka digay qorshe uu sheegay inuu damacsan yahay Farmaajo marka la gaaro 12-ka bishan April oo ku beegan xuska maalinta ciidanka xoogga dalka, wuxuuna tilmaamay inaan jirin xiligan cid u dagaalameysa Farmaajo, si gaar ah saraakiisha iyo askarta u dhalatay deegaankan oo uu Muqdisho kala jeeday.

“Dadkaan lagu dhaaranayo oo qoryaha sita oo ciidanka iyo saraakiisha ah ee la siiyay garaadada ee la rabo inay dadkooda ku laayan waa dad damiir leh, Farmaajow garaadaha ha iska bixin wiilashaan dadkooda layn maayaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cade) ayaa ugu danbeyn saraakiisha dhalinyarada ah ugu baaqay iney lacagaha iyo garaadaha uu bixinayo Farmaajo ka qaataan, ayna iska diidaan iney dagaal ka huriyaan magaalada Muqdisho oo sanadihii danbe ka soo kabaneysay burburka hareeyay.

“Wiilasha waxaa leeyahay jaaniska ka faa’iideysta oo lacagta iyo garaadaha qaata, warkaaga yeelanya dhaha oo shaqadiina qabsada, yuusan jaaniska idin dhaafin. Xoogaga yar iyo garaadada waa ka qaadanayaan waana iska kaa dhicinayaan.” ayuu hadalkiisa ku soo xiray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More