Mareykanka oo fariin culus u diray madaxda maamulada Hirshabelle iyo Jubaland

April 06 (Jowhar.com)- Dowladda Mareykanka ayaa maamulada Hirshabelle iyo Jubaland ugu baaqday iney soo dhameystiraan xubnaha ku harsan ee golaha shacabka, xili waqtiga uu gabaabsi sii noqonayo.

Qoraal ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa looga dalbaday madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe iney qabtaan doorashada kuraasta ku harsan magaalooyinka Garbahaareey iyo Jowhar, qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in si deg deg ah howshan loo guda galo.

“Waxaan ku boorineynaa Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen inay si deg deg ah u soo dhameystiraan kuraasta ka harsan Baarlamaanka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka.

Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale raja wanaagsan ka muujisay inaan waxba iska bedelin xiliga lagu balamay in la qababayo dhaarinta xildhibaanada labada aqal oo ku beegan 14-ka bishan aynu ku guda jirno ee April.

“Waxaan rajeynaynaa in 14-ka April la dhaariyo Xildhibaanada cusub, waxaana boorinaynaa wada-hadal iyo isu tanaasul si loo xaqiijiyo in doorashada la soo geba-gabeeyo si nabad ah iyo iyadoo la wada ogolyahay.” ayaa lagu yiri warka dowladda Maretkanka.

24 kursi ayaa haatan ku harsan doorashada golaha shacabka, kuraastan 16 kamid waxey yaalaan deegaan doorashada labaad ee Jubaland oo ah Garbahaareey, halka 8-da kale 7 kamid ah yaalaan deegaan doorashada koowaad ee Hirshabelle, kursiga kale oo kii laga dilay xildhibaan Aamina ee Beeldweyn ah isaguna u badan tahay in Jowhar lagu qaban doono

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More