Inkabadan 40 Israaiiliyiin ah oo lagu diley weerarka maanta ay qaadeen Falastiiniyiinta

Oct 07 (Jowhar.com)-Ugu yaraan 40 qof oo Israaiiliyiin ah ayaa lagu dilay inkabadan 700 waa ay ku dhaawacmeen kadib weerar lama filaan ah oo ay dagaalamayaal ka tirsan Xamaas ay qaadeen iyo madaafiic lagu garaacay deegaanada ay maamulaan Yuhuuda.

Wararka ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in askar iyo dad rayid ah oo ka badan soddon ruux ay qafaasheen dagaalamayaasha Xamaas ayna geeyeen xarumaha ay ku leeyihiin Qaza.

Israa’iil ayaa ku jawaabtay mowjado duqeymo ah oo ay la beegsatay bartilmaameedyo ku yaalla Gaza oo ay ku dhinteen 161 qof, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay dagaal ku jirto wuxuuna wacad ku maray in Xamaas oo ah xukumadda Gaza ay bixin doonto qiimo aysan weligood ogeyn.

“Saakay Xamaas waxay qaadday weerar kedis ah oo dil ah oo ka dhan ah dawladda Israa’iil iyo muwaadiniinteeda,” ayuu ku yiri khudbad muuqaal ah.

Weerarka maanta dhacay ayaa ah mid kamid ah kuwii ugu badanaa ee dhiigga badan ku daatay una dhaxeeyay Israel iyo Falastiiniyiinta muddo sanado ah.

Weerarkan oo ay qaadeen kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa la arkayay dagaalyahano ka gudbaya xeyndaabka hareeraheeda wax yar uun ka dib waaberigii. Isla mar ahaantaana, gantaallo laga soo tuuray Qaza – qaarkood ay gaareen Tel Aviv iyo Jerusalem.

Sida ay ugu suuragashay dableyda in ay gudaha u galaan mid ka mid ah xudduudaha aadka loo adkeeyay ee caalamka ayaan kala cadeyn.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in tobaneeyo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ay duqeymo dhanka cirka ah ka wadaan goobaha Xamaas ee Qaza, waxayna duqeeyeen 17 xarumood oo ay leeyihiin ciidamada Xamaas.

Waxay kaloo sheegtay inay diyaariyeen tobanaan kun oo ciidamo kayd ah.
Muuqaal la soo dhigay online-ka ayaa u muuqday mid muujinaya koox Falastiiniyiin ah oo aad u hubeysan oo ku labisan dhar madow ah oo ku dhex wareegaya Sderot iyaga oo wata gaari xamuul ah.

Mid ka mid ah fiidiyowyada, isla dagaalyahannada ayaa u muuqday inay rasaas isweydaarsanayaan ciidamada Israa’iil oo ku sugan waddooyinka magaalada, oo 1.6km ama 1 mayl u jirta Gaza.

Barahooda bulshada, Xamaas waxay ku sii daysay muuqaallo u muuqda inay muujinayaan Israa’iiliyiinta ay qabsadeen dagaalyahannadooda. Fiidiyowyada qaar, oo aan la xaqiijin karin, dadka rayidka ah ayaa u muuqda in la haystayaal ahaan loogu kaxaystay dhulka Falastiin arrintan oo ahwax aan hore loo arag.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in aysan muddo dheer xasuusan xaalad sidan oo kale ah, iyadoo waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Tel Aviv ay yihiin kuwo xiran, jidadkuna ay faaruq yihiin.

Hogaamiyaha mid ka mid ah golaha deegaanka ee koonfurta Israa’iil, Ofir Liebstein, ayaa lagu dilay rasaas ay isweydaarsadeen dableyda markii uu u baxay inuu difaaco beeshiisa.

Duqeymaha gantaallada ee socday illaa subaxnimadii Sabtida, iyadoo kumannaan gantaallo ah loo soo tuuray dhanka Israa’iil.

Cisbitaalada ku yaala koonfurta magaalada Ashkelon iyo badhtamaha magaalada Beer Sheva ayaa lagu dabiibayaa dhaawacyada.

Falastiiniyiin ayaa isugu soo baxay meel u dhow taangi ay Israa’iil leedahay oo la gubay kaasoo la soo dhigay xayndaabka Israa’iil iyo Qaza

Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Xamaas ayaa ku dhawaaqay bilowga howlgalkan oo laga sii daayay warbaahinta Xamaas, isagoo ugu baaqay Falastiiniyiinta meel kasta oo ay joogaan inay dagaalamaan.

“Tani waa maalinta dagaalka ugu weyn ee lagu soo afjarayo qabsashadii ugu dambeysay ee dhulka,” Mohammed Deif ayaa yiri.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas – oo ah siyaasi ay iska soo horjeedaan Xamaas- ayaa shir guddoominayay shir degdeg ah, wuxuuna difaacay xaqa ay dadka reer Falastiin u leeyihiin in ay iska difaacaan argagaxisada dadka deegaanka iyo ciidamada la wareegay.

Madaxa guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa ku tilmaantay weerarka mid argagixiso halka Mareykanka uu cambaareeyay rabshadaha, wuxuuna ku booriyay labada dhinac inay ka waantoobaan aargoosiga.

Iran ayaa taageertay weerarka Falastiin, iyadoo sheegtay inay u hambalyeysay dagaalyahannada, halka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ay sheegtay in Israa’iil oo keliya ay mas’uul ka tahay rabshadaha sii kordhaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More