Faysal Cali Waraabe oo si adag uga hadlay soo dhaweynta Muqdisho loogu sameeyay Hoggaamiyaha SSC

Oct 08 (Jowhar.com)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay soo dhaweynta magaaada Muqdisho loogu sameeyay hoggaamiyaha SSC Khaatumo C/qaadir Aw Cali Firdhiye oo Jimcihii soo gaaray caasimadda.

Mr. Waraabe oo wareysi siiyay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in gacantooda ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo celinayaan magaalada Laascaanood, wuxuuna meesha ka saaray in reer Sool ayu ka go’ayaan maamulkooda.

“Laascaanood sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa loogusoo celinayaa gacanta Somaliland, waxaa lasoo celinayaa kala dambeyntii iyo sidii ay ahayd, waxaa lagusoo celinayaa xoog iyo dagaal ama wadahadal hadba kii noo suura gala ayaa lagusoo celinayaa haddii ay ka bixi waayaan dadka shisheeyaha ah ee kusoo duulay mana oggoolaan doonno in deegaan Somaliland ay leedahay lagu daro dal kale.” Ayuu yiri.

Faysal Cali Waraabe ayaa dhinaca kale meesha ka saaray in kor loo qaado wax la yiraahdo SSC, wuxuuna sheegay in reer Laascaanood ay kamid yihiin beelaha dega deegaanada Somaliland.

“Horta annagu ma aaminsanin wax la yiraahdo SSC, reer Laascaanood waa beel ka mid ah beelaha dega Somaliland, marka ay ay noqoto safarka ninka la sheegay in uu yahay hoggaamiyahana, waa nin Soomaaliyeed oo tagay dhul Soomaaliyeed, in Laascaanood la yiraahdo waxaa lagu darayaa dal kale waa waxba kama jiraan”. Ayuu hadalkiisa kusii daray.

Si kastaba, Somaliland ayaa ka carootay sida weyn ee loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho hoggaamiyaha SSC Khaatumo iyo qaabilaada madaxda sare ee dalka sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, iyadoo xildhibaanada labada aqal ee Somaliland ay kasoo horjeesteen imaatinka Firdhiye

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More