Ismaaciil Cismaan “22 Sarkaal oo NISA u badan ayaa baarlamaanka soo gashay”

Mar 28 (Jowhar.com) –Taliye kuxigeenkii hore ee hay’ada NISA Ismaaciil Daahir Cismaan ayaa ka hadlay falalka amni daro ee todobaadkii hore ka dhacay Muqdisho iyo Beeldweyn iyo khilaafka hareeyay arrimaha doorashada.

Waxa uu quus ka muujiyay in dalka ay ka dhacdo doorasho xasiloon, isagoo arrintaasina sabab uga dhigay khilaafka daba dheeraaday ee wali u dhexeeya xafiisyada madaxweynaha iyo kan ra’iisul wasaaraha.

“Dalka maka dhici doontaa Doorasho Xasiloon, taasina waddeeda laguma joogo, waxa la filan karo ilaahey ma keeno, waxa dhacay wax ka daran in ay dhacaan waa suuragal, waxaana hubaal ah in labada Xafiis ee kan Ra’iisul Wasaaraha & kan Madaxweynaha ay kala qaybsan yihiin oo shirar kala duwan kala qabanayaan” ayuu yiri Sarkaalkan oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal.

Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) Ismaaciil Daahir Cismaan oo mar soo hadal qaaday falalka amni daro gaar ahaan weeraradii u danbeeyay ee Arbacadii ayaa sheegay in arintaasi ay sabab u tahay saraakiishii laamaha amaanka oo ku milmay arrimaha Siyaasadda.

Waxa uu carabka ku goday in 22 sarkaal oo u badan NISA ay ku soo biireen baarlamaanka, sidoo kalena taliyaha asluubta iyo midka NISA ay xildhibaanimo ka soo qaateen Baydhabo iyo Dhuusa-mareeb iyagoo aan wali xilalkoodii wareejin, taasina ay tahay sababta dayaca amaanka.

“Labo kamid ah Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda oo kala ah ku simaha Hay’adda NISA & Taliyaha Ciidanka Asluubta ay noqdeen Xildhibaanno iyaga oo aan weli wareejin xilalkoodii oo ay joogaan, Dastuurka iyo xeer hoosaadka waxaa ku qoran in uu xilka dhigo kaddibna raadsado haddii uu helo iyo haddii uu waayaba, Saraakiisha xubnaha ka noqday Baarlamaanka waa 22 ruux mana wareejin xilalkii ay hayeen waxaana ugu badan Nabadsugidda”  ayiu hadalkiisa sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More