Jen. Xijaar oo xil ka qaadis ku hanjabay hadaan wax laga qaban amni darada Muqdisho

Mar 28 (Jowhar.com) –Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray saraakiisha ciidanka booliska, saddex maalin kadib weerarkii Shabaab ay ku galeen xerada Xalane, halkaas oo ay ku dileen ku dhowaaf 10 qof oo Ajaanib u badan.

Kulanka waxaa ka qeyb galay taliyaha booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole,taliyaha ciidanka Haramcad Cabdi Xamiid Fanax,taliye qeybeedyada gobolkan iyo taliyayaasha saldhigyada magaalada Muqdisho, iyadoo kulanka uu ahaa mid ka yimid dhanka Xijaar.

Jeneraal Xijaar ayaa la sheegay in saraakiishan uu ku canaantay dayaca ka jira amniga magaalada, isagoo tusaale u soo qaatay weeraradii u danbeeyay ee ka dhacay caasimadda iyo dhaca habeenkii kooxo burcad ah ay u geystaan dadka shacabka ah oo ay ka qaataan tilifoonada iyo Computerada ay wataan, iyadoo aan jirin dadaalo dheeri ah oo la xiriirta wax ka qabashada falalkaas.

Qaar kamida saraakiishii kulanka ka qeyb gashay ayaa sheegay in taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed uu ku goodiyay xil ka qaadis iyo isku shaandheyn deg deg ah hadaan wax laga qaban amni darada, isagoo saraakiisha faray howlgalo joogto ah iyo iney joogteetaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Si kastaba, kulankan ayaa daba socday kulamo uu taliye Xijaar labadii maalin ee ina dhaaftay uu la yeeshay madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, iyadoo saraakiishana uu gaarsiiyay fariinta uu ka siday labada xafiis oo laftooda walaac ba’an ku heysa dayaca amni ee caasimadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More