Kenya oo madaxweyne Xasan kala hadashay kordhinta Qaadka la keeno Soomaaliya

Feb. 15 (Jowhar.com-Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee dalka Kenya, ayaa qoraal uu bartiisa twitterka ku baahiyay ku sheegay in kulan isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud ku dhexmaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga uu kala hadlay kordhinta dhoofinta khaatka ee la geeyo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale qoraalka ku sheegay in labada dowladood looga baahanyahay in ay meesha ka saaran caqabadaha ganacsi ee hor istaaga kobaca ganacsiga khaatka.

“Waxaan galabta kulan wada tashi ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay shirka 46-aad ee Golaha Maamulka Horumarinta Beeraha Adduunka (IFAD). Waxaana hiigsaneynaa in aan kordhino dhoofinta khaatka ee loo dhoofiyo Soomaaliya iyo dalalka kale, sidoo kalana aan meesha ka saarno caqabadaha ganacsi ee hor istaaga kobaca warshadaha jaadka.” Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Dowladii hore ee Farmaajo oo mamnuucday qaadka Kenta ayaa horseedday in suuqa maalinlaha ah ee qaadka dalkaasi uu lumiyo in ka badan 50 tan oo qaad ah oo markaas lagu qiimeeyay in ka badan 20 milyan oo shilinka Kenya ah oo y dhiganta ku dhowaad 200 oo kun doolar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More