Kenya oo soo bandhigtay heshiis lagu qaboojinayo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Apr 12 (Jowhar.com)-Dowladda Kenya ayaa wadda soo-jeedin ku saabsan in la wada yeesho heshiis gobaleed ay dalalka IGAD si wadajir ah uga faa’ideysanayaan kheyraadka badda, arrintaas oo xal u keeni karta xiisadda hadda ka dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sida ay wakaaladda Reuters ka soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, heshiiskan oo ay Kenya kala tashanayso dalalka kale ee gobalka ayaa waxa uu jaangoynayaa qaababka ay waddamada aanan badda lahayn ujeeddooyin ganacsi ugaga faa’ideysan karaan dekedaha gobalka.

“Heshiiskan ayaa ah mid meesha ka saaraya danaha ciidan iyo xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida dalalka, waxaana uu taas beddelkeeda abuurayaa iskaashi ganacsi ku kooban oo dhanka badda ah, sida uu xusay Korir Sing’oei.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More