Khilaaf sababay gacan ka hadal oo ka dhex dhacay Golaha Wakiilada Somaliland

Khilaaf gacan ka hadal isku badalay ayaa ka dhex qarxay xubnaha mucaaradka iyo muxaafadka ee Golaha Wakiilada Somaliland, kadib markii la isku qabtay sharciga xeerka furista ururada siyaasada.

Ciidamo ayaa rasaas ku ridey xubnaha wakiilada oo gacan kahadal ku dhex maray iyadoo mid kamid ah wakiilada somaliland oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Khadar xabsiga loo taxaabay.

Shir guddoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa laalay mooshin ay shalay soo jeediyeen xildhibaannada muxaafadka, kaasi oo ahaa in aan wax dood ah la galin xeerka furista ururada siyaasada ee madaxweynuhu kusoo celiyay golaha, isla markaana sidaa lagu meel mariyo.

Madaxda xisbiyada mucaaradka ayaa ka soo horjeestey furista ururada siyaasada iyagoo ku tilmaamay inay tahay mid Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu muddada ku sii dheereysanaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More