Ciidamo Boolis ah oo la wareegay Maamulka Garoonka diyaaradaha Beledweyne 

Ciidamo Boolis ah ayaa saaka la wareegay Terminaalka Cusub ee Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamadan ayaa kala wareegay maamulkeeda shirkad dhawaan dhistey Terminalka sida uu sheegay mas’uul ka tirsan shaqaalaha garoonka diyaaradaha Beledweyne.

Ciidamadan Booliska ee la wareegay Terminalka ayaa timid kadib khilaaf soo kala dhex galay shirkada dhistay Garoonka iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf axmed Hagar {DABAGEED}.

Sarkaal ka tirsan Shirkadda Whitestar oo ah shirkada dhistey Terminalka ayaa ku tilmaamay mid boob ah sida ay ku dhaqamayaan maamulka Hirshabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More