Alshabaab oo la wareegay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al:shabaab ay gudaha galeen degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Xarumaha maamulka degmada iyo saldhiga degmada Matabaan ayay fariisimo ka dhigteen dagaalamayaasha Alshabaab.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa lagu arkayaa iyaga oo ku sugan laamiga bartamaha ka mara degmada Matabaan.

Waa markii ugu horeysay muddo toban sano ah oo ay Alshabaab la wareegaan magaalada Matabaan.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka waxaana magaalada ka baxay dadkii u shaqeynayay maamulka degmada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More