Ku dhawaad saddex boqol oo qof oo ku geeriyooday dhul gariir xooggan oo ka dhacay Marooko

Sep 09 (Jowhar.com)-Dhul gariir xooggan ayaa ku dhuftay dalka Morocco, waxaana ku dhintay ugu yaraan laba boqol iyo sagaashan iyo lix qof, iyadoo tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas.

xooggiisu waxa uu ahaa gobol aan dadku ku badnayn oo ku yaal buuraha Atlas halkaas oo ay jiraan magaalooyin yar, iyo deegaano badan oo fog oo ay adagtahay in la galo.

Dad badan oo degganaa magaalada ugu weyn ee u dhow, Marrakesh, ayaa ka qaxay guryahoodii markii uu dhulgariirku dhacay.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay dhismayaal gariiraya, burbur badan oo waddooyinka yaalla iyo dad dhex socda burbur iyo boor badan.

Isbitaalada magaalada Marrakesh ayaa lagu soo waramayaa in lagu dabiibayo qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More