Md Guudlaawe oo dadka reer Guulane markale ugu baaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab

Sep 08 (Jowhar.com)- Madaxweynaha dowladda goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo wada abaabul dagaal oo lagu ciribtirayo Kooxda Al-shabaab ayaa tagay deegaanka Guulane.

Madaxweynaha oo socdaalkaan booqashada ah ay ku wehliyeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiiin, Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad Qeybta 27aad ee CXDS Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale ayaa jeedkoodu ahaa abaabul bulsho oo ka dhan ah Cadowga Khawaarijta ah ee alshabaab.

Cali Guudlaawe ayaa dadka deegaanka Guulane ku bogaadiyay sida geesinimada leh ay u wajaheen dagaalka khawaarijta isagoo markale ugu baaqay inay usoo baxaan dhameystirta iyo baabi’inta cadowga dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More