Kulan looga hadlayay Xiriirka Bulshada iyo Hay’adaha Dowliga oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

June 28 (Jowhar.com)-Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa maanta lagu soo gabababeeyay Madal looga hadlayay xiriirka bulshada iyo hay’adaha dowliga.

Madashan ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray sida ay bulshada ugu faa’ideysan lahaayeen  adeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowliga.

Dadkii ka soo qeybgalay madashan oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee Bulshada degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa waxa ay su’aalo ku weydiiyeen mas’uuliyiin ka socotay wasaaradaha bixiya adeegyada sida amniga, waxbarashada, caafimadka, garsoorka iyo dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Mas’uuliyiintii ka socotay Maamulka Hirshabelle oo ay badakood ahayeen Agaasimayaal ayaa waxa ay si dhow uga dhagaysteen ka qeybgalayaasha madasha dhibaatooyinka iyo baahiyaha ay qabaan bulshada.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxa ay agaasimayaasha ka qeybgalay ay ballan qaadeen in ay ballaarin doonaan adeegyada ay bulshada u hayaan. waxna ka qaban donan tabashadona.

Madashan ayaa waxaa hore laga bilaabay degmada balcad iyo tuuloyinka hoosyimada horaantii bishan iyadoo bulshada balcad iyo tulooyinka hoosyimaada markii laga soo dhageystay taladoodii iyo tabashadooda qaar kamid ah maamulka iyo bulshada balcad waxay u safreen magaalada Jowhar ayagoo horfariistay agaasimayaasha  wasaaradaha bixiya adegyada muhiimka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More