Ra’iisul wasaare Xamse oo maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Rooble.

June 28 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Ra’iisul Wasaarihii Hore ee dalkaMaxamed Xuseen Rooble, kadib munaasabad balaaran oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabada xil wareejinta waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha golaha shacabka oo wakiil ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh oo xanuunka Covid19 laga helay Jimcihii, waxaa kaloo joogay Hanti-dhowrka Qaranka,Gudoomiyaha Aqalka sare, Wasiiro iyo saraakiil ciidan.

25kii Bishan ayey eheyd markii ay ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ra’iisul wasaaraha oo madaxweynaha dalka uu soo magacaabay 15-kii bishii hore ee May.

Tani waxey ka dhigan tahay Shan sano kaddib in si rasmi ah labo Ra’iisul Wasaare ay xilka ku kala wareegaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble markii xilka uu la wareegayay labo sano ka hor Ra’iisul Wasaarihii ka horreeyay Xasan Cali Kheyre xilka kalama wareegin. Waxaana taas sabab u aheyd siyaasaddii awood isku maquuninta, ihaaneysiga iyo kala adkaanshaha ee Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More