Kumanaan qoys oo ka qaxay dagaalada dalka Ethiopia

Kumanaan qoys oo ah dad rayid ah ayaa bilaabay inay ka cararaan guryahooda magaalooyin kuyaal Waqooyiga dalka Ethiopia.

Inkabadan lix kun oo Ethiopian ah ayaa gaaray dalka Sudan iyadoo laga baqayo in tirada ay intaas ka badan karto maalmaha soo socda.

Mas’uuliyiinta waxay intaas ku dareen in maalmaha nagu soo aadan la filayo in 200,000 ay kasoo tallaabaan xadka Suudaan.

Waxay sidoo kale sheegeen in xeryo ku meel gaar ah laga sameynayo deegaanka sii loo qaabilo dadka kasoo qaxaya dhinaca Itoobiya.

Waxaa walaac laga muujiyay xaaladda banii’aadanimo ee gobolka Tigray xilli dagaalka uu ka socda halkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa howlgal militeri ku qaaday Tigray kaddib markii uu ku eedeeyay maamulka inay wadaan dhaqdhaqaaqyo ka baxsan dastuurka.Waxaana lagu soo warramayaa in dagaalka ay ku dhinteen boqolaal qof.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa diiday codsi ahaa in wadahadal nabadeed lagu soo afjaro dagaalka ka socda gobolka Tigray.

Madaxweynaha gobolka TigrayDebretsion Gebremichael ayaa codsi Midowga Afrika kaas oo ah in wadahadal lagu dhameeyo xiisadda.

Balse Abiy, qoraal uu soo dhigay Twitter-ka wuxuu ku sheegay ‘In aysan jirin doonin wax wadahadal ah tan iyo inta sharciga iyo kala danbeynta dib loogu soo celinayo’

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More