Macalimuu oo gaaray magaalada Beledweyne

Afhayeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa gaaray magaalada Beledweyne, si uu uga bilaabo ololihiisa doorashada kursiga Xildhibaan ee Beeshiisa uu ku matalayo Golaha Shacabka.

Odayaasha beesha iyo waxgaradka ayay u badan tahay in Macalimuu ku sharfaan kursigan, maadaama uu dalka ugu shaqeeyay duruufo kala duwan oo dhibaatooyin ay ka soo gaareen isagoo Qaranka u adeegaya, kaasoo ugu dambeeyay qaraxii naftiisa lagu bartilmaameersaday.

Afhayeenka xukuumada Macalimuu ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kadib markii bartamihii bishii hore loogu qaaday dalka Turkiga sababo caafimaad kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo uu ku weeraray qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa meel ku dhow guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho.

Kahor inta uusan u ambabixin magaalada Beledweyne ayuu Maxamed Ibraahim Macalimuu uu la kulmay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More