Madaafiic ku dhacday Suuq ku yaal Kharduum oo ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

un. 01 (Jowhar.com)-Madaafiic ayaa lagu garaacay suuq ku yaalla magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan, waxaana ku dhintay 18 qof in ka badan 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dhaqaatiirta iyo dadka deegaanka.

 

Weerarkan madaafiicda ah ayaa ku soo beegmay kadib markii uu burburay wadahadallo nabadeed oo ay dhexdhexaadinayeen Maraykanka iyo Sucuudiga.

Tirada dadka rayidka ah eek u dhintey dagaalada ka socda Sudan ayaa waxaa ay gaartay 883, inkasta oo tirada dhabta ah ay u badan tahay inay aad uga badan tahay.

Ururada xaafadaha oo dadka ku nool Khartoum ka caawin jiray inay helaan cunto iyo dawooyin – ayaa ku tilmaamay xaalad masiibo ah, waxayna ka codsadeen dhakhaatiir iyo dhiig deeq.

Talaadadii, Ciidamada Dowlada iyo kooxaha ka soo horjeeda ee ka socda Ciidamada Taageerada degdega ah (RSF) ayaa ku heshiiyey in lagu kordhiyo heshiiskii xabad joojinta bini’aadantinimo ee todobaadkii hore shan maalmood oo kale, wadahadalo ay garwadeen ka ahaayeen Maraykanka iyo Sucuudiga.

Laakin maalintii xigtay ciidanku way ka baxeen wadahadalka, iyagoo ku andacoonaya in RSF aysan ka go’neyn shuruudaha.
Mareykanka ayaa sheegay in labada dhinacba ay jebiyeen xabad joojinta, isaga oo intaa ku daray in ay diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan dhexdhexaadinta xabbad joojinta markii ay dhab ka ahayd soo afjarida rabshadaha.

Mudadii ay socotay xabbad joojinta ayaa gargaarka degdega ah waxaa la gaarsiiyay ku dhawaad laba milyan oo qof, laakiin ammaan-darrada sii socota ayaa waxa ay hor istaagtay in la gaarsiiyo dad kale sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, 25 milyan oo qof, in ka badan kala bar dadka reer Suudaan, ayaa hadda u baahan gargaar bini’aadantinimo iyo ilaalin.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in bakhaarradii ay ku lahayd deegaanka El Obeid ee waqooyiga gobolka Kordofan oo ay ku jireen cunto loogu talagalay 4.4 milyan oo qof in la weeraray.

Dagaalkan oo sidoo kale si xooggan uga socda gobolka Daafuur ee galbeedka Suudaan ayaa ah mid si toos ah uga dhashay loolan xooggan oo dhanka awoodda ah oo u dhexeeya labadii Jeneraal ee hoggaaminayay afgambigii 2021-kii – Taliyihii ciidamada Abdel Fattah al-Burhaan iyo taliyaha RSF Mohamed Hamdan Dagalo oo ku magac dheeraa. Hemedti.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More