Madax ka qeyb gashay xarig jarka suuqii saddexaad oo Xayaat Mall ka furatay Muqdisho

Apr. 14 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa si wadajir ah xarigga ugu jaray xarunta 3-aad ee Suuqa Xayaat Mall, oo laga hergeliyay Degmada Boondheere.

Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay ganacsatada Suuqa Xayaat Mall sida ay ugu dhiiradeen balaarinta Ganacsigooda, asigoona ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan Maalgashiga dalkooda, si loo helo kobac dhaqaale iyo shaqo abuur loo sameeyo dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  ayaa sheegay in isbedelka amni iyo horumarka ka jira  Muqdisho ay suuragelisay in Ganacsatada Soomaaliyeed ku dhiiradaan maalgelinta suuqyo waaweyn oo ay bulshada baahi u qabeen, taasi oo caasimadda Muqdisho u horseedeysa in ay la tartanto caasimadaha kale ee aduunka.

Munaasabadan xarig jarka faraca 3-aad ee Suuqa Xayaat Mall ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Culuma’udiin, Siyaasiyiin, Haweenka, Ganacsato, Qeybaha kala gedisan ee Bulshada iyo marti sharaf kale.

Xayaat Mall ayaa horey magaalada Muqdisho uga hirgalisay labo xarumo waa weyn oo ganacsi, waxa ayna xarunta saddexaad laga hirgaliyay degmooyinka dhaca dhinaca waqooyi oo aad ugu baahnaa Suuqa Xayaat Mall.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More