Madaxweynaha dalka Jabuuti oo ka soo dagay garoonka magaalada Muqdisho.

Dec. 28 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdigan waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madaxwene Xasan Sheekh, iyadoo soo dhaweyntiisa ay qeyb ka ahaayeen ra’iisul wasaaraha dalka, gudoonka labada aqal ee baarlamaanka, madaxda dowlad goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Mr. Geelle ayaa sallaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana intaasi kadib loo galbiyay qasriga madaxtooyada ee dalka looga arrimiyo.

Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadal ay albaabada u xiran yihiin ku leh madaxtooyada, iyadoo aan wali banaanka iman qodobada ay ka wada hadlayaan.

Mr. Geelle oo inkabadan 5 jeer dalka yimid 10kii sano ee la soo dhaafay waa markii u horeysay ee loo xiro Hawada Soomaaliya, waxaana maanta jirin wax diyaarad ah oo garoonka imaneyso ama ka baxeyso, lama oga inuu jiro culeys dhinaca amniga iyo fariimo ay heleen hay’adaha amniga ee dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More