Puntland ” Somaliland iyo Al-Shabaab waa isku hal hay’ad”.

Dec. 28 (Jowhar.com)-Puntland ayaa ka hadashay hal arrin oo ay sheegtay iney ka wada shaqeeyaan maamulka Somaliland iyo koxoda Al-Shabaab, taasoo ah dilalka dadka shacabka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in hal hay’ad ay wada yihiin Shabaab iyo Somaliland, isagoo ku baaqay in si isku mid ah loola dagaalamo.

” Hal hay’ad ayay isku yihiinAl-shabaab iyo Somaliland waana wada-shaqaystaan waxaana Laascaanood dadka ku laaya waa Somaliland iyo Al-shabaab oo wada-shaqaynaya” ayuu yiri Wasiirka.

Maxamuud Caydiid Dirir ayaa dhinaca kale canbaareeyay dadkii shacabka ahaa ee shalay lagu toogtay magaalada Laascaanood iyagoo dhigaya dibadbax ka dhan ah xukuumada Somaliland, wuxuuna ka digay iney sii socoto dhibaateynta dadka aan waxba galabsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More