Madaxweynaha Galmudug oo kulan la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa weli sii wada kulamadii dhinaca fogaan arragga ee ay la yeelanayeen Madaxda Maamul goboleedyada dalka iyadoo uu ugu dambeeyay kulan ay la yeesheen maanta Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ahaa wakiilo ka kala socday Midowga yurub, Mareykanka, Ingiriiska, Sweden iyo Midowga Afrika.

Kulankan ayaa loogaga hadlay sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow madaxtooyada Galmudug xaaladihii u danbeeyay ee hanaanka doorashada dalka ee 2021.

Wakiilada Beesha Caalamka ee loo soo gaabiyo C6+ ayaa wada kulamo looga hadlayo xalinta muranka Doorashada kuwaasi oo ay la yeelanayaan Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dardargeliyay dadaaladooda ku aadan sidii dalka ay doorasho uga dhici lahayd kahor 8da Febraayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More