Madaxweynaha Hirshabelle oo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabelle

Apr. 08 (Jowhar.com)-Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa u magacaabay guddoomiyaha Maxkamada Sare Hirshabelle Cabdullaahi Maxamuud Gacal.
Magacaabistan ayaa lagu sheegay  inay  timid talo soo jeedinta Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka Hirshabelle,Waxaana bilihii la soo dhaafay aad loo dhaliilayay garsoorka Hirshabelle gaar ahaan Maxkamadaha Gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha loo magacaabay Maxkamada Sare ee Hirshabelle Cabdulaahi Gacal ayaa hore u soo noqday guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Galmudug taasoo labo maalmood kahor uu iska casiley.

Waxana uu sidoo kale Cabdulaahi Gacal hore u soo noqday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Hirshabelle waxana uu leeyahay waayaragnimo muddo dheer ah oo xagga garsoorka.

Kahor inta aan la magacaabin guddoomiyaha Maxkamada Sare Hirshabelle ayuu Madaxweynaha Hirshabelle waxa uu kala direy Garsoorka Gobolka Shabelaha dhexe.

HALKAN HOOSE KA AQRISO WAREEGTADA LAGU MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE EE HIRSHABELLE;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More