Madaxweynaha Kenya oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

June 09 (Jowhar.com)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si weyn u soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Uhuru Kenyatta ayaa kamid ah madaxda lagu casuumay ka qeyb galka caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo la filayo inuu kulan gaar ah la qaato madaxweynaha oo ay arrimo dhowr ah ka wada hadlaan.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Kenya Mudane oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo xafladda caleemosaarka Maxadweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble.

Hore waxaa u soo gaaray magaalada Muqdisho Ra’iisul wasaarayaasha dalalka Masar iyo Itoobiya,madaxweynaha Jabuuti, Wasiiru dowlaha arrinaha dibadda Imaaraatka Carabta iyo madax kale oo kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa durba kulan la qaatay madaxda Itoobiya iyo Jabuuti, waxaana kulanka ku wehlinayay madaxweynaha xukunka uu kala wareegay Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, faah faahin lagama bixin kulankaas, walow uu jiray khilaaf u dhexeeyay dowladii Farmaajo iyo tan Jabuuti, lama iloga in arrintaas kulanka la iskula soo qaaday.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More