Madaxweynaha Taiwan oo la kulantay wafdi ka socda Maamulka Somaliland

Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, ayaa la kulantay wafdi ka socda Maamulka la magac baxay Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibbada Ciise Maxamuud Kayd.

Kulankan ayaa loogaga hadlay sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen ganacsiga iyo weliba ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah.

Madaxweyne Tsai Ing-wen ayaa u sheegtay wafdiga ka socda Maamulka Somaliland inay ka shaqeyn doonto sidii maalgashi ay Taiwan ugu sameyn lahayd Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibada Maamulka Somaliland oo wafdigan horkacayay ayaa soo dhoweeyay warka ka soo baxay Madaxweynaha Taiwan.

Maamulka Taiwan oo sheegta inuu ka go’ay dhulweynaha Shinaha iyo maamulka Somaliland oo sheegta inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa leh xiriir heer diblumaasi.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More