Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo xalay kulmay

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xalay kulan ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka kadib khilaaf soo jiitamayay labadii bilood ee la soo dhaafay.

Kulankan ayaa ka dhashay dadaalo uu waday labadii cisho ee la soo dhaafay Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Isu imaatinkaan ayaa ah kii u horreeyay ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ee ay yeesheen kaddib wada hadaladii fashilmay ee bishii hore.

Kulankan ayaa ahaa mid xalinayay khilaafkii sababay kala jabka NISA iyo shaqo ka eryintii Taliyihii hore NISA Fahad Yaasiin ee ka dhalatay kiiskii dilkii Ikraan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka ahaa mid hordhac oo salaan iyo sheekeysi, waxaana lagu balamay in caawa kulan kale la isugu yimaado, si loo dhammeystiro waxyaabaha haray ee labada dhinac u dhaxeeyay.

Ilo wareedyo ku dhow kulanka xalay ayaa ii sheegay in kulanka xalay intiisa badan ahaa mid la isku laab furay, kana muuqatay is faham iyo isu soo dhowaansho, ayna rajo ka qabaan in caawa inta dhiman is afgarad buuxa laga gaaro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More