Madaxweyne Xasan oo gaaray Jabuuti, lana kulmay Ismaaciil Cumar Geelle.

Dec. 06 (Jowhar.com) -Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jabuuti, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Sida wararku sheegayaan, madaxweynaha ayaa u tagay dalkaasi sidii uu goob joog uga noqon lahaa xiritaanka Madasha Heritage oo maalmihii la soo dhaafay halkaasi ka socotay, iyadoo mowduuca sanadan diirada lagu saaray ay eheyd is bedelada Cimilada iyo colaadaha Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doono shirka, taasoo uu ka soo qeyb galayaasha uga gadi doono dagaalka dowladda ay kula jirto Shabaab oo haatan guulo waa weyn laga gaaray.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Xasan Sheekh uu kulan gaar ah la yeelan doono madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay haatan is arag kooban uu dhexmaray oo kaliya.

Safarka Jabuuti ee madaxweyne Xasan ayaa noqonaya kii 3aad uu dalkaasi ku tago, waana safarkiisii 19aad uu dalka uga boxo tan iyo 15-kii May.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More