Laba arrin oo soo ifbaxday durba kadib guulaha laga gaaray howlgalka Hirshabelle.

Dec. 06 (Jowhar.com) -Labo natiijo oo waa weyn ayaa maanta soo bidhaamay oo ah guulihii laga gaaray kacdoonka dadka deegaanka iyo howlgalada xoreynta deegaanada oo markii ay bilaabanayeen kacdoonkaas tashwiish iyo humaag lagu furay.

Mid waa in Jalalaqsi iyo Mahadaay oo Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ka kala tirsan ah in maanta la isku gudbayo oo isku furantay maamulka Jalalaqsi ay soo gaareen Mahadaay, xoreynta degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal oo muddo sanado Al-Shabaab xarun weyn oo Madaxtooyo u aheyd.

Mida labaadna waa in Madaxweynaha Hirshabelle uu sanado kaddib safar dhinaca dhulka ah ku maray Muqdisho iyo Jowhar, soona maray dhul ballaaran oo dhaca waqooyi bari Shabellaha Dhexe illaa Jowhar.

Arrimahan waxey yimaadeen kadib markii kooxda Al-Shabaab laga saaray deegaanadii ugu muhiimsanaa gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe, Hiiraan sida xogaha tilmaamayaan majirto degmo ay xiligan Shabaab heysato waxey joogaan oo kaliya tuulooyin yar yar, halka Sh.Dhexe ay kooxdaasi ka joogto oo kaliya degmada Runirgood.

Si kastaba, la wareegidda degmada Istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal ayaa loo arki karaa inay tahay bilowga dhammaadka Al-Shabaab ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana culeyska ka yaraanaya ciidamadfa howlgalka ka wada deegaanada Galmudug oo gurmad uga iman jiray Aadan Yabaal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More