Madaxweyne Xasan oo kulan gaar ah la yeeshay hoggaamiyaha SSC Khaatumo Firdhiye

Oct 08 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye ayaa xalay kulan gaar ah kuyeeshay Villa Somalia, kaas oo looga wada hadlay arrimaha u dhaxeeya labada dhinac iyo taageerada ay SSC-Khaatumo u baahan tahay.

Mr. Firdhiye kulankaasi waxaa ku wehlinayay xubno kamid ah wafdiga la socda iyo mas’uuliyiinta SSC ku metela golayaasha kala duwan ee dowladda.

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo tan iyo Jimcihii ku sugan Muqdisho ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyay xalaada deeganaada SSC iyo xadiga khasaaraha dagaaladii 8-da bilood ka socday halkaasi, kuwaasoo geystay khasaare lixaad leh.

Kulanka dhinaca Villa Somalia ma baahin dhammaan xogta iyo sawiradiisa, iyadoo ay dib dhinacyadu ugu balameen wada hadalo kale, marka uu madaxweyne Xassan Sheekh soo laabto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More