Wararkii u danbeeyay khasaaraha Dagaal culus oo xalay oo dhan ka socday gudaha Israa’iil

Oct 08 (Jowhar.com)-Xoogagga Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in weerar loo adeegsaday madaafiicda goobta ay ku qaadeen wadanka Lubnaan kaas oo daba socday rasaas lagu soo riday gudaha dhinaca Israa’iil.

Dagaallo culus ayaa lagu soo waramayaa in xalay oo dhan ay ku dhexmarayeen ciidamada Isaraa’iil iyo dagaalyahannada Xamaas 22 goobood oo Israa’iil ah, kuwaas oo ay ku jiraan ugu yaraan labo goobood oo la aaminsan yahay in afduub loogu haysto Israa’iiliyiin fara badan sida laga soo xigtay milatariga Israa’iil.

Sidoo kale la haystayaal kale ayaa laga gudbiyay xadka Qasa kaddib dagaalkii ugu adkaa ee Israa’iil la kulanto tan iyo dagaalkii Yoomu kibuur.

Ugu yaraan 250 Israa’iiliyiin ah ayaa la dilay kaddib markii dagaal isugu jira cir, bad iyo dhul ay Xamaas ku qaaday gudaha Israa’iil. In ka badan 1,000 qof oo kale ayaa la soo weriyay inay ku dhaawacmeen, iyadoo illaa 3,000 oo gantaal lagu riday gudaha Israa’iil sida laga soo xigtay milatariga.

Sidoo kale 230 reer Qasa ah ayaa ku dhintay weerar aargoosi ah oo Israa’iiliyiintu ka gaysteen gudaha magaalada Qasa sida laga soo xigtay saraakiisha magaalada.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay “tiro aan la cayimin” oo isugu jira rayid iyo askar in ay qafaasheen ururka Xamaas ee Falastiin.

Dadka la qafaashay waxa ku jira caruur, haween, dad da’ ah, iyo kuwa naafo ah.

Qaar way nool yihiin, qaarna waxa la rumeysan yahay inay dhinteen, sida uu sheegay afhayeenka milatariga Israa’iil Korneyl Jonathan Conricus.

Tiro muuqaallo ah oo lagu baahiyay internet ka ayaa muujinaya Israa’iiliyiin gacanta ugu jira dagaalyahannada Xamaas.

Hal muuqaal oo la soo dhigay oo ay xaqiijisay BBC-du ayaa muujinaya gaari lagu dhex kaxaynayo isu soo baxa gudaha Qasa ka dhacay oo sida lahaystayaal Israa’iiliyiin ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More