Madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray dagaalka culus ee ka qarxay dalka Suudaan

Apr. 16 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war ka soo saaray xasilooni darada kasoo cusboonaatay Suudaan, xili ku dhowaad 27 qof ay ku dhimatay dagaaladii ilaa shalay ka dhacayay gudaha dalkaasi.

Madaxweynaha oo soo saaray bayaan ku qoran afka Ingiriiska ayaa sheegay in loo baahan yahay in wadahadal lagu dhameeyo xiisadda, isagoo beesha caalamka ka dalbaday iney kaalin ka qaataan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda oo laga cabsi qabo iney magaalooyin hor leh kusii faafto.

“Xaalada oo lasii huriyo iyo rabshadaha oo lasii kordhiyo kuma imaanayaa xalka caqabadaha ay wajahayso Jamhuuriyadda Suudaan,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri nuqul kamid ah war-saxaafadeedka uu soo saarey.

Si kastaba, Kooxda ugu weyn malayshiyada sida milatariga u tababaran ee dalka Sudan ayaa Sabtidii sheegatay in ay qabsatay qasriga madaxtooyada, guriga uu deggan yahay Taliyaha Ciidamada Milatariga iyo garoonka weyn ee caasimadda Khartoum.

Tallaabadaasi ayaa u muuqata isku day afgambi, laakiin milatariga Sudan ayaa sheegay in ay weli dagaal kula jiraan kooxdan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More