Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada London

Sept. 18 (Jowhar.com) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada London ee dalka Ingiriiska iyagoo ka qeybgalaya aaska loo sameynayo Isniinta Boqoaradii Ingiriiska ee dhawaan geeriyootay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ah madaxda caalamka ka socota ee ka qeybgalaysa aaska loo sameynayo boqoradii dalka IngiriiskaElizabeth II .

Madaxda kale ee ku sugan London waxaa kamid ah, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, madaxweynaha Hindiya, ra’iisal wasaarayaasha dalalka Canada, Australia, Newzealand iyo qaar kale iyada oo Britain ku jirto howlgalkeedii ugu weynaa ee abid ee booliisku ay ku sugayaan ammaanka.

By Abdiaziz Golfyare

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More