Madaxweyne Xasan Sheekh oo Martiqaad u fidiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Apr. 11 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku maamuusay Xoghayaha Guue ee Qaramada Midoobay António Guterres, afur wadareed ka tarjumaya dhaqanka Soomaaliyeed ee ku tilmaaman martisoorka iyo soodhaweynta.

Afur Wadareedkan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay oo lagu casuumay diblumaasiyiinta wadamada shisheeye ee ka howlgala dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka wanaagsan ee saaxiibda caalamiga ahi ka qaataan dowlad-dhiska Soomaaliya, waxaana uuna soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowladnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo booqasho ku yimid maanta dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu booqasho gaaban ku tegey magaalada Baydhabo halkaas oo uu ku booqday xarun ay ku jiraan barakacayaal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More