Yuusuf Dabageed oo ka hadlay khilaaf dhinaca Maaliyadda ee ka dhex jira Hirshabelle

Apr. 11 (Jowhar.com)-Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa war ka soo saaray mowqifkiisa khilaafka dhinaca canshuuraha ee soo kala dhex galay maamulka Hirshabelle iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan .
Qoraal uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa ku taliyay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara inuu khalkhal ku yimaado dagaalka lagula jiro Al-shabaab, wuxuuna ku baaqay in lagu socdo hanaankii hore ee canshuuraha inta laga xalinayo khilaafka taagan.

Warka ka soo baxay Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabelle oo sababo caafimaad u jooga magaalada Nairobi ayaa taageeraya diidmada uu ka muujiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo uu ku diiday in dhaqaalaha laga ururiyo gobolka Hiiraan ay ku dhacdo qasnada Wasaarada Maaliyada Hirshabelle.

Hase yeeshee Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku kala qeybsan in lacagta canshuurta lagu shubo qasnada wasaarada Maaliyadda.

Shir jaraa’id uu ku qabtay gudaha magaalada Baledweyne guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan oo ay hareerahiisa fadhiyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka, ayuu ku sheegay in la mideynayo Canshuurta maamulka Hirshabeelle, islamarkaana ka maamul ahaan ay ku wareejiyeen Canshuurta Hiiraan in lagu shubo qasnada Wasaaradda Maaliyada Hirshabeelle.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Yuusuf Dabageed;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More