Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigey Taalada Daljirka Dahsoon

Jul. 01 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ubax lagu maamuusayo halgamayaashii u shahiiday halgankii xornimo doonka Soomaaliyeed maanta dhigay taalada Dajirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo qeybo kamid ah bulshada ayaa goob-joog ka ahaa munaasabadda uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ubaxa ku dhigayay taalada Daljirka Dahsoon.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka waxaa maanta ka socda munaasabado waa weyn oo lagu weyneynayo maalinta ay xoroobeen gobolada koonfureed ee Soomaaliya iyo midowga waqooyi iyo Koonfur.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More