Mas’uul ka tirsan Maamulka degmada Ruun Nirgood oo ku dhintey qarax ka dhacay Daaru Nicma

Jul. 01 (Jowhar.com)-Qarax Miino oo ka dhacay deegaanka Daaru Nicma oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ku dhintey Abuukar Jawiil Caddoow (Abuukar Miineey) oo ahaa Xoghayaha Degmada Runirgood ee gobolka shabeelada Dhexe iyo darawalkiisa.

Ururka Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa maanta ka dhacay deegaanka Daaru nicma ee gobolka shabeelada Dhexe.
Waxaana qaraxan uu imanayaa kadib markii shalay ay saacado ay haysteen Alshabaab deegaanka Daaru Nicma.

Alshabaab ayaa intii ay haysteen deegaanka Daaru Nicma waxaa ay burburiyeen oo ay Miino ku xireen Masjidkii ugu weynaa deegaankaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More