Magaalada Baydhabo oo lagu dooranayo saaka shan kursi oo golaha shacabka ah

Xarunta kumelgaarka ah ee Dowlad goboleedka koofurgalbeed Soomaaliya ee baydhabo ayaa lagu wadaa in saaka ay ka dhacdo doorashada shan kursi oo ka tirsan kuraasta golaha shacabka.

Kuraasta Maanta Doorashadoodaay dhaceeyso ayaa waxa ay kalayihiin iyo xildhibaanadii hore ugu kala fadhiyay ayaa kala ah;

1; HOP#188 Aadan Ibraahim Dhayow
2: HOP# 185 Cali Aadan Xuseen
3: HOP#175 Axmed Xaaji Maxamed Taaw
4: HOP#159 Xasan Ibraahim Maxamed
5: HOP# 177 Ibraahim Isaaq Yaroow

Kuraasta maanta lagu dooranayo magaalada Baydhabo ayaa inta badan waxa ay yihiin kuwa ay ku tartami doonaan musharaxiin cusub iyadoo xildhibaanadii hore ugu fadhiyay aysan ka mid ahayn tartamayaasha kuraasta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More