Maraykanka oo sheegay in duqeyn ay ku dileen sarkaal ka tirsan Alshabaab

Oct. 03 (Jowhar.com) – Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFICOM ayaa sheegay inay duqeyn cirka ah ay ku dileen sarkaal ka tirsan Alshabaab meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraal ay soo saareen AFRICOM ayaa lagu sheegay in 1dii bishan Oktobar ay duqeyntan fuliyeen balse aysan waxyeelo ka soo gaarin dad rayid ah.
“Iyada oo kaashanaysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Taliska

Mareykanka ee Afrika ayaa 1-dii October weerar cirka ah ku qaaday Shabakadda Al-Shabaab ee Soomaaliya. Duqeymaha ayaa ka dhacay meel u dhow Jilib, oo qiyaastii 370 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Muqdisho.”ayaa lagu daabacay qoraalka ka soo baxay AFRICOM.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in qiimeynta bilowga ah ay sameeyeen lagu dilay horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa saaka ayaa lagu sheegay in hawlgal ka dhacay deegaanka Xaramka ee gobolka Jubbada Dhexe taariikhdu markay ahayd Bishan October 01, 2022 lagu diley Cabdullaahi Nadiir oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab.

Hase yeeshee warka ka soo baxay AFRICOM ayaan lagu sheegin magaca sarkaalka ka tirsan Alshabaab oo ay duqeynta ku dileen,balse AFRICOM ayaa sheegtay inay baaritaan dheeraad ah ay ku sameyn doonaan duqeyntan ay ka fuliyeen Jubbada Dhexe ayna soo saari doonaan faahfaahino dheeraad ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More