Mareykanka oo duqeyn ku dilay Shan ka tirsan kooxda Shabaab

Feb. 17 (Jowhar.com-Mareykanka ayaa sheegay inuu weerar ku dilay xubno ka tirsan Shabaab, kadib weerar ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Sh.dhexe.

Taliska ciidamadda Mareykanka ee qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in Shan xubnood oo Shabaab ah ay ku dileen meel qiyaastii 300 oo mile dhanka waqooyi ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mareykanka ayaa sheegay ineysan jirin wax shacab ah oo duqeyntan wax ku nqoday, waxaama weerarkan fulintiisa door ku lahaa dowladda Soomaaliya.

Tan iyo bilowgii sanadkan, Mareykanka waxa uu qaaday guud ahaan shan weerar oo lala beegsaday Al-Shabaab, sida laga soo xigtay AFRICOM, taasi oo muujineysa kororka iskaashiga ka dhaxeeya Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya.

Mid kamida weeraradaasi waxaa lagu dilay Bilaal Al-Suudaani oo ahaa madixii maaliyada ee kooxda Daacish-ta Soomaaliya, waxaana lala dilay 10 ka tirsanaa isla kooxdaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More