Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Kaxda oo qarax lagula eegtay degmadaas.

Nov. 29 (Jowhar.com) -Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan degmada Kaxda lagula eegtay xoghayaha guud ee maamulka degnada Ibraahim Muxiyadiin Mocoow.

Qaraxa oo noociisa ahaa miino ayaa xoghayaha lagula eegtay isagoo maraya Isbitaalka Meersi wadada koowaad ee Jeneraal Liiq liiqato, iyadoo jugta qaraxaasina laga maqlay xaafadaha degmadaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Xoghayaha degmada Kaxda Ibraahim Muxiyadiin iyo ilaaladii la socotay ay ka badbaadeen weerarka, iyadoo qaraxa uu dhacay marka uu gaarigiisa uu ka gudbay goobta Miinada ay ku aasneyd.

Amniga degmada Kaxda ayaa maalmahan faraha ka sii baxaya, xili maamul cusub loo soo magacaabay degnadaasi, kuwaasoo aan la iman qorshe amniga degmada wax looga qabanayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More